Lucas Biglia oo Fariin u diray kooxda Inter Milan kahor kulanka weyn ee Milan Derby.

0
945

Kubad burburiyaha kooxda Ac Milan Lucas Biglia ayaa fariin u diray kooxda kubadda cagta ee inter Milan kahor Ciyaarta weyn ee Milan Derby.

21 bishan october ayeey labada kooxood ee isku magaalada ah ay wada ciyaari doonaan horyaalka xiisaha badan ee Seri A.

Xiddigan reer Argentina ayaa la hadlay Calciomercato waxaana uu yiri,” Waxaan dareemeeynaa wanaag kadib markii aan guul ka gaarnay Chievo.

” Xilli ciyaareed cusub ayaa noo bilaawday, Kulamadu markasta waa kuwo derby ah meelkasta aad joogto, aad ayaan u xiiseenayaa inaan ciyaaro kulankan weyn.

” Kulamada derbyga ah waa inaan adkaabaa , waxaan rajeenayaa inaan guul lasoo laabano, waxaan wajaheenaa koox taam ah laakiin waxaan kalsooni ku qabnaa nafsadeena waxaan dooneeynaa inaan sii wadano guulaha.” ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Lucas Biglia.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan