Mauro Icardi: Inter Milan waxeey iga Caawisay inaan u koro shaqsiyad ahaan iyo ciyaaryahan ahaan.

0
1117

Kabtanka Kooxda kubadda cagta ee Inter Milan Mauro Icardi ayaa amaan xoogan usoo jeediyay kooxdiisa isagoo sidoo kale u mahad celiyay.

Mauro icardi ayaa kamid ah Ciyaartooyda ugu wanaagsan ee weerarka ka ciyaarta kuwaasi oo ku sugan horyaalka wadanka talyaaniga.

Laacibkan ayaa la hadlay Tvga kooxda Inter waxaana uu yiri,”  Waxbadan ayeey i siisay inter. Waxeey iga caawisay inaan u koro ciyaaryahan ahaan iyo shaqsi ahaan.”
“Waxaan halkan usoo dhaqaaqay anigoo wiil 20 sano jir ah, waxaan kaliya u mahad celinayaa kooxda Inter Milan oo iga dhigtay waxa maanta aan ahay.”
Icardi ayaa shabaqa gaaray Seddex jeer Horyaalka Seri A Xilli ciyaareedkan halka uu caawiyay labo gool oo kale dhanka kale waxuu goolal ka dhaliyay koobka horyaalada qaarada yurub.
Bandhigiisa wanaagsan ayaa sababtay in kooxo badan ay dalab kasoo gudbiyaan laacibkan waxaana kamid ah Real madrid iyo kooxo kale.
SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan