Manchester United iyo Liverpool oo wada doonaya Saxiixa Laacib muhiim u ah Kooxda Cagliari.

0
1291

 

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan laacib muhiim u ah kooxda Cagliari.

Nicolo Barella oo ah laacib khadka dhexe kaga ciyaara kooxda reertalyaani ee Cagliari ayaa dalab ka helay Reds iyo Red Devils.

Da,yarkan Mustaqbalka ku leh saxaaxada kubadda cagta ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo awood ku leh qaarada yurub.

21 sano jirkan reer talyaani ayaa xalay u saftay kulankiisii ugu horeeyay xulkiisa Azzuri Ciyaartii barbaraha ay la galeen dhigooda Ukraine.

Barella ayaa haatan kamid ah ciyaartooyda ugu wanaagsan ee ka ciyaarta Horyaalka Seri A waxaana uu doonayaa shaqsi ahaan inuu maqaam sare ka gaaro kubadda cagta.

Fasal Ciyaareedkan kulamadii  horyaalka Seri A kaliya waxuu kasoo muuqday 3 kulan isagoo dhaliyay 1 gool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan