Agaasimaha Flamengo oo xaqiijiyay in saxiixa Paqueta Milan ay ku qaadaneyso uusan dhammeystirmin!

0
917

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Flamengo ee Carlos Noval ayaa xaqiijiyay in AC Milan aysan dhammeystirin saxiixa laacibkooda Lucas Paqueta.

Waxaa shalay soo baxayay warar sheegaya in Milan ay heshiiska ciyaaryahankan ku gabagabeysay €35m oo ay la socoto gunnooyin.

Globo Esporte ayaa sidoo kale werrineysay in 21-sano jirkan uu hoorraan tijaabada caafimaadka u maray kooxda Roseneri, isla markaasna January uu caga dhigan doono magaalada Fashion-ka.

“Weli heshiis dhammeystiran lama gaarin Milan, waxaana door bideynaa inaan war soo saarno marka wax walba la dhammeeyo” ayuu Noval u sheegay Tuttomercatoweb.

“Waan wada hadleynaa weli, wada xaajoodkuna waa uu socdaa balse weli lama dhammeystirin.

“Waxaan u maleynayaa inay laba Toddobaad ku dhammaan doonto arrintan” ayuu hoosta ka xarriiqay agaasimaha ciyaaraha ee Flamengo.

Qiimaha €35m ah ee ay Milan kusoo qaadaneyso Paqueta ayaa ka dhigeysa inuu noqdo xiddiggii ugu qaalisanaa ee Serie A kaga yimaado horyaalka Brazil.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan