Wax Ka Baro Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Ciyaaryahanka Reer Brazil Kaas Oo PSG, Man City, Barcelona Iyo Man United Iska Diiday Si Uu Ugu Biiro AC Milan.

0
2143

Tolentino Coelho de Lima, oo ku magac dheer  Lucas Paquetá ayaa heshiis lagaaray kooxda AC Milan isaga oo bisha January si ugu usoo dhaqaaqi doona kooxda San Siro.

Paquetá, kaas oo kudhshay caasimadda dalka Brazil ee Rio de Janeiro o27-kii bishii  August ee sanddii 1997, ayaa xirfaddiisa ciyaaraha kasoo bilaabay kooxda Flamengo, isaga oo waligiis ku riyoo jiray u ciyaarisata kooxda ku ciyaartya maaliyadda Milan.

Laacibkan ayaa ka ciyaara booska qadka dhexe ee weerarka(Attacking Midfielder), isaga oo sidoo kale ka ciyaari kara labada garbood ee weerarka.

Da’yarkan reer Brazil ayaa saftay kulankiisi ugu horreeyay xilli ciyaareedkii 2016-17 markaas oo uu kasoo muuqday kula kusoo 1-1 oo u dhaxeeyay kooxaha Flamengo iyo Atletico Mineiro.

Bishii December ee na dhaaftay 21-jirkan ayaa saftay kulankiisi ugu horreeyay ee xulkiisa Brazil isaga oo daqiiqaddiib71-aad lagu baddalay Philppe Coutinho ciyaar saaxibtimnino oo xulkiisu la ciyaaryay United States(maraykanka).

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda AC Milan Leonardo ayaa dadaal dheer u galay in uu xidigan usoo dhaqaajiyo Serie A, isaga oo kadulqaaday kooxaha PSG iyo Man City.

Si lamid ah Man United iyo kooxda ka ciyaarta La Liga ee Barcelona ayaa si aad u danaynayay adeegga da’yarkan ka ciyaari kara boosaska badan ee weerarka.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan