Wax Ka Baro 6-da Ciyaartooy Ee Dhaliyay Goolasha Ugu Badan Kahor Da’da 20-Ka Sano, Iyo CR7 Oo Boos Ka Waayay.

0
1792

Dunida kubadda cagta ayaa waqtigan aad isha ugu haysa waxa uu sameenayo da’yarka reer France Kylian Mbappe kaas oo bandhiga caji8b lasoo shaac baxay tan iyo markii uu kasoo ifbaxay qaaradda yurub.

Dadka kubadda cagta falanqeeya iyo tababarayaashiisa xulka iyo kooxda ayaa ku tilmaamay wax aan lasaadaalin karo waxa xiga uu Kylian Mbappe kasameen doono kubadda cagta.

Mbappe ayaa ka dhaliyay 4-gool kulan katirsan Ligue 1-ka France oo kooxdiisa PSG ay la ciyaartay Lyon, arrinta xiisa leh ayaana ah in xidigani uu wali kujiro da’da 19-aad isaga 20-jirsan doonta 20-Decembee ee sannaddan aynu kujirno ee 2018.

Haddaba warbixintan ayaan Mbappe kula bar bardhigi doonna qaar kamid ah xidigaha ugu caansan kubada cagta iyo goolashaii ay u dhaliyeen waddamadooda iyo kooxahooda.

 

6. Lionel Messi- 27 Goals.

Lionel Messe ayaa kaliya 20-gool u dhaliyay Argentine iyo Barcelona waqtigii uu dabaal dagayay da’diisa 20-aad.

Dhammaanteen waynu ka warqabnaa wixii uu intaa kadib Camp Nou kasameeyay isaga oo kuguulaystay 5-Ballon d’Or, dhawr jeee oo uu qaatay kabta dahabka, si lamid ah UEFA Chammpions League.

5. Wayne Rooney- 43 Goal.

Gool dhaliyaha ugu sarreeya Manchester United ayaa wax badan ka shabbahay Kylian Mbappe waqtigiisi uu yaraa.

Rooney ayaa gool dhalinta kasoo bilaabay Everton kahor inta Sir Alex Ferguson uusan lasoo saxiixan sannaddii 2004, markaas uu 20-jrsaday, isaga oo 43-gool u dhaliyay xulka England iyo labada kooxood.

4. Sergio Aguero- 44 Goals.

Xidiga ugu goolasha badan Manchester City ayaan boos ka waayin shaxdan isaga oo aan wax shaki ah laga gali karin awooddiisa gool dhalinta.

Segio  Kun Aguero ayaa waqtigii uu 20-jirsaday 44-gool u dhaliyay xulkiisa Argentine iyo kooxdii uu waqtigaas katirsanaa ee Independiente.

3. Neymar Jr- 48 Goals.

Ciyaaryahanka ugu qaalisan dunida ayaa shabaqa ku hubsadau 48-gool markii u dabaal dagayay da’diisa 20-aad.

Neymer Junior ayaa waqtigaas katirsanaa xula lagu naynaaso Samba ee Brazil iyo kooxda kadhisan dalkiisa hooyo ee Santos, halkaas uu kusoo bandhigay xirfaddiisa kubadda cagta.

2. Kylian Mbappé- 67 Goals.

Xidiga Paris Saint Germain Kylian Mbappe ayaa 20-jirsan doona marka lagaaro 20-ka bisha December ee soo socota, iyada oo xidiga France uu yahay da’yarka ugu hadal haynta badan kubadda cagta maanta.

Xidiga ku guulaystay koobka adduunka ayaa ilaa haatan dhaliyay 67-gool isaga oo wali fursad u haysta inuu dhliyo goolal kale, balse weeraryahankan ayaysan u suurta gali dooni in jabiyo rikoorka Luiz Ronaldo.

1.Ronaldo de Lima- 92 Goals.

Ronaldo de lima ayaa kamid ahaa weeraryahanadii ugu wanaagsanaa ee dunida soo maray iayada oo laxasuusto in Diego Maradona uu shaaca ka qaaday in Ronaldo uu sameen lahaa wax ka wayn wixii ay sameyem isaga iyo Pele haddi aysan gaari lahayn wax dhaawacyo halis ah.

Si kastaba ha ahaatee, cidna shaki magalin doonto wixii Ronaldo kasmeeyay kubadda cagta isaga oo Brazil kasaacidau i  ku guulaysato koobki adduunka ee 2002.

Luiz Ronaldo ayana shabaqa ku hubsaday 92-gool waqtigii uu u dabaal dagayay dhalashada da’diisa 20-aad.

OGOOW: Cristiano Ronald ayaa kaliya 20-go u dhaliyay Sporting Lisbon iyo Manchester United waqtigii uu u dabaal dagayay da’diisa 20-aad.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan