Sky Sports News oo daaha ka rogtay tallaabada ay Chelsea qaadi doonto ka dib qirashada Hazard ee kooxda riyadiisa ah!

0
2066

Kooxda Chelsea ayaa qorsheyneysa inay laacibkooda Hazard ka dhaadhiciyaan inuu lasii joogo sida laga soo xiganayo Sky Sports News.

Inkastoo ay laba sano ka harsantahay qandaraaskiisa, haddane Blues ayaa dooneyso inay qandaraas cusub usoo bandhigto Hazard.

Captain-ka Belgium ayaa ku jira mid ka mid ah qaab ciyaareedyadiisii ugu wanaagsanaa ebid, iyadoo uu si aad ah ugu raaxeysanayo ka hoos ciyaaridda Maurizio Sarri.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii hore wada xaajood heshiis kordhin ah la yeelatay 27 jirkan, waxaase ay noqdeen kuwo aan la isku raacin xilli ay Jirtay in kooxda Real Madrid ay si aad ah u xiiseyneysay.

Balse Blues ayaa markale isku dayaysa inay usoo bandhigaan qandaraas kale maadaama mustaqbalkiisa ay cabsi weyn ka qabaan ka dib markii uu xaqiijiyay inuu ku riyoodo Real Madrid.

Sidaas oo ay tahayse, Hazard ayaa caddeeyay inuu ka laballabeynayo go’aan qaadashadiisa, maadaama kooxda reer England uu u arko koox wax walbo siisay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan