Maxaa saakay ka cusub kiiska kufsiga ee lagu soo eedeeyay Cristiano Ronaldo?

0
1291

Police-ka magaalada Las Vegas ayaa xaqiijiyay inay su’aalo weydiin doonaan weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Police-ka Las Vegas ayaa xaqiijiyay inay haayaan macluumaad dhowr ah, hase ahaatee, ay doonayaan in Captain-ka Portugal isna la dhageysto.

Kiiskan ayaa dib loo furay toddobaadkii hore, balse maadaama uu ciyaaryahanka ku sugneyn dalka Mareykanka, lama oga xilliga ay su’aalaha weydiinayaan.

Xilli kiiska laacibkii hore ee Manchester United uu marayo meelo xasaasi ah, haddane 33-jirkan ayaa waqti qurux badan magaalada Lisbon ee caasimadda Portugal kula qaadanaya saaxiibtiisa Georgina Rodriguez.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa dafirsan kiiskan, iyadoo ay jirtay in Kathryne Mayorga uu siiyay £288,000 si arrintan aynan usoo bannaan bixin.

Police-ka ayaana sheegay in waqtigii uu kufsiga dhacayay ay ka war heleen kufsiga Ms Mayorga, balse lama ogeyn shaqsiga u geystay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan