Maurizio Sarri oo Jose Mourinho kula dagaallmaya saxiixa xiddigga Milan.

0
1603

Suuqii xagaaga intii uu furnaa, kooxda Manchester United macallinkooda Jose Mourinho ayaa isku dayay inuu lasoo saxiixdo difaaca kooxda AC Milan ee Alessio Ramagnoli.

Hase ahaatee, Red Devils waa ay ku hungowday, waxaana hadda kula soobiiray Chelsea baacsiga difaaca dhallinyarada ah si uu difaaciisa ugu xoojjiyo.

23 jirkan ayaa laf dhabar u ah difaaca dhexe ee Roseneri, waxaana Macallin Gennaro Gattuso uu u yahay mid joogto ah, isagoo ka garab ciyaarsiiyaa midkood Christian Zapata iyo Mateo Musacchio.

Difaacii hore ee AS Roma iyo Sampdoria ayaa xilli ciyaareedkiisii afraad ku qaadanaya garoonka San Siro, balse weli waxa uu sugayaa inuu ciyaaro tartanka Champions League.

Maadaama Milan ay usoo bixi weysey tartanka horyaallada Europe, waxaa macquul ah in kooxaha reer England ay ka dhaadhiciyaan inuu yimaado horyaalka Premier League-ga.

Ramagnoli oo marada Captain-ka uu ku abaal mariyay Macallin Gattuso ayaa seegay kullankii Milan ay 3-1 kaga adkaatay Chievo xilli Roseneri ay sagaal kullan guuldarro la’aan tahay, maadaama xiddiggan uu dhaawac soo gaaray.

Chelsea ayaa bisha January ama xagaaga dambe lumineysa Gary Cahill, halka David Luiz uu waayihiisii uu dambeeyay Stamford Bridge ku jiro.

Waxaa intaas usii dheer Chelsea in difaacooda dhallinyarada ah ee Andreas Christansen uu sheegay inuu isaga dhaqaaqayo kooxda, taas ayaa ku riixeysa in Macallin Sarri uu u kalluumeysi doonto gudaha Serie A.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan