Majaladda AS oo ogaatay xilliga Hazard uu ku biiri doono Real Madrid!

0
1519

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa qorsheynaya in suuqa kala iibsiga marka uu furmo bisha January uu soo qaato Eden Hazard ama xagaaga soo aaddan.

Los Blancos ayaa xaalad adag dhexda kaga jirta maadaama guuldarrooyin ay kasoo gaareen Sevilla, CSKA Moscow, Deportivo Alaves sidoo kalena bareejo gurigeeda kula Atletico Madrid.

Arrintaas ayaa farriin deg deg ah u dirtay madaxda kooxda Real Madrid si ay tallaabo u qaadaan oo ay ka gaaraan dhibaatada weerarka ka heysta kooxda.

Waxa ay madaxda Madrid oo uu ugu horreeyo Florentino Perez ay doonayaan inay ka faa’ideystaan maadaama Hazard uu qirtay inay riyadiisa tahay Real Madrid.

Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ayaa markii horeba bartilmaameed uu ahaa xiddigga Chelsea, waxaana sii jirtay in bandhig wacan uu ka sameeyay Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Belgium ayuu Captain u ahaa, waxaana uj ka saaciday in kaalinta saddexaad ka galaan Koobka Adduunka ee sanadkan lagu qabtay Russia.

Sidoo kale bilawgiisa xilli ciyaareedkan ayaa ah mid kale oo cajiib ah, waxaana uu dhaliyay 7 gool oo horyaalka Premier League-ga ah siddeed kullan oo uu ciyaaray.

Hooggaamiyaha gooldhalinta horyaalka Ingiriiska ayaa loo arkaa inuu xal u noqon karo dhibaatada Real Madrid ku habsatay tan iyo markii uu kooxda isaga tagay Cristiano Ronaldo.

Majaladda Spain kasoo baxda ee AS ayaa fahansan in haddii abaarta goolal la’aanta ay sidan wax badan iska beddeli weyso, Real Madrid bisha January ayay u dhaqaaqeysaa waxaana ay ku baadi goobi doontaa €100m illaa €200m.

Balse haddii Los Blancos ay kusoo laabato marxaladdeedii caadiga ahayd, Florentino Perez iyo kooxdiisa ayaa iska sugi doona xagaaga si ay qiimo macquul ah ugu soo qaataan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan