Ma Ahan Perisic: Bayern Munich Oo 80-Malyan kusoo Qaadanaysa Xidigan Ay Man United Kadoonayso Inter Milan.

0
1083

Kooxda kubadda cagta Bayern Munchen ayaa qorshaynaysa in ay 80-malyan ku qarash garanayso daafaca Inter Milan ee Milan Skriniar.

United ayaa xidigan doonaysay tan iyo daaqaddii kala iibsiga ee lasoo dhaafay, maadaama ay kooxda Old Trafford ay habacsanaan wayni kajirto daafaceeda danbe.

Si kastaba ha ahaatee, Tuttosport ayaa shaaca kaqaadday in Bayern Munchen ay doonayso in ay 80-malyan oo gani ku qarash garanayso saxiixa Milan Skiriniar oo katiraan Inter Milan.

Tan ayaana kadhigan in ay Man United markale ku fashilmi doonto saxiixa daafac kale oo ay kadoonaysa suuqa si ay ugu xoojiso safkeeda.

Red Devils ayaa horay ugu guul darraysatay saxiixa daafacyada Toby Alderwiwreld, Harry Maguire kuwaas oo dhammaantood baaqi kunoqday kooxahooda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan