Jose Mourinho Iyo Mauricio Pochettino Oo Ku Dagaallamaya Saxiixa Daafacan Horay Ugu soo Ciyaaray Chelsea.

0
1322

Tababarayaasha kooxaha Premier League ee Tottenham iyo Manchester United ayaa isku haysta saxiixa daafaca hore Blues Nathan Ake.

Daafacan ayaa bandhig wacan sameenayay tan iyo markii uu u dhaqàaqay kooxda Premier League ka  ciyaarta ee Bournemouth.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Star ayaa shaaca kaqaadday in Pochettino iyo Mourinho ay doonayaan saxiixa Nathan Ake kaas oo ka ciyaari dafaaca dhexe iyo garabka bidix.

United ayaa aad baahi ugu qabta daafaca tayo leh oo ka ciyaari qalbadda dhexe, iyaga oo laga yaabo in ay beeca xorta ah kaga tagaan qaar kamid ah daafacyada danbe.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan