Geofrey Kondogbia oo isaga baxay qaranka France balse qaran kale u ciyaaraya!

0
1155

Laacibka kooxda Valencia ee Geofrey Kondogbia ayaa doortay inuu u ciyaaro xulka qaranka Central African Republic.

Waxa uu u ciyaaraya horraan xulka France ciyaartoyda ka yar 20-ka sano isagoo kula guuleystay Koobka Adduunka ee U-20s sanadkii 2013.

Balse burburiyahan ayaa calaf u yeellan waayay inuu ka mid noqdo safka qaranka France waqtiyo kala duwan, waxaana marka uu door biday inuu u ciyaaro qaranka Central African Republic.

Waxa uu diyaar u yahay in qarankiisa cusub ee Jamhuuriyadda Africa-da dhexe u ciyaaro ciyaaraha koobka qaramada qaaradda Africa ee AFCON 2019.

25-jirkan waxa uu ku dhashay halka lagu magacaabo Nemours oo ka tirsan France illaa haddana waxa uu ku tirsanaa Les Bleus.

Weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emrik Aubameyang ayaa sidan oo kale ka tirsanaa dhallinyarada qaranka France, waxaase ugu dambeyn uu xirfaddiisa u hibeeyay qaranka Gabon.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan