Dolores Aveiro iyo Katia Aveiro oo la saftay Ronaldo!

0
1087

Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ee Dolores Aveiro ayaa sheegtay in wiilkeeda uu u baahanyahay caddaalad, halka gabadha la dhalatay xiddiggan ee Katia Aveiro ay tilmaamtay in walaalkeed uu mudanyahay garab istaag.

Dolores ayaa durba billawday in ay taageero u fidiso xiddigga Juventus kaasoo dhexda kaga jira kiis kufsi ah oo ay Kathryne Mayorga kusoo oogtay inuu kufsi u geystay sanaddii 2009.

Dhanka kale walaasha la dhalatay Ronaldo ee Katia Aveiro ayaa baraha bulshada ku faafisay sawir iyo qoraallo ay ku taageereyso walaalkeed.

Katia waxa ay baraha bulshada soo dhigtay sawir Ronaldo uu xiranyahay lebiska Superman, waxaana ay ku dul qortay laba qoraal.

Midka koowaad ayaa ah “Ronaldo, waa aynu kula jirnaa illaa dhammaadka”, halka qoraalka labaadna uu yahay “caddaalad ayuu mudanyahay CR7”.

Katia ayaa sidoo kale taageerayaasheeda u sheegtay in Sawirkaas ay u isticmaalaan inay saartaan aqoonsiga barahooda (Profile Picture).

Dadka sawirka faafiyay isla markaasna u isticmaalay barahooda waxaa ka mid ah ninka timaha u hagaajiya Ronaldo ee lagu magacaabo José Miguel Seiro.

Si kastaba ha ahaatee, Katia ayaa loo aqoonsanyahay inay tahay difaac mar walba la jira xiddiggii hore ee Real Madrid, iyadoo dhowr jeer baraha bulshada ku taageertay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan