Barcelona oo xiddig ka tirsan Liverpool dooneyso inay soo qaadato bisha January!

0
2098

Naadiga kubadda cagta Barcelona ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqay difaaca kooxda Liverpool ee Alberto Moreno.

Dambeedka bidix ee Spain ayaa keyd iyo beddel u noqon doona Jordi Alba, kaasoo ciyaara kullamada ugu badan Barcelona.

Waxaase diiwaanka difaacyada bidix ee ay dooneyso Barca laga waayay xiddigaha lala xiriirinayay ee kala ah Juan Bernat iyo Ferland Mendy.

Mundo Deportivo ayaa werrineysa in kooxda reer Catalonia ay dareenkeeda si aad ah u siineyso horyaalka Premier League, gaar ahaan kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield.

Moreno ayaa keliya hal kullan u ciyaaray Reds xilli ciyaareedkan dhammaan tartamada, waxaana uu kasoo muuqday keliya kullankii ay Liverpool guuldarrada kala kullantay Chelsea koobka Carabao Cup.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa ku kalsoon lasoo saxiixashada 26-jirkan kaasoo qandaraaskiisa Mersyside-ka uu dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Jose Gaya oo u ciyaara Valencia iyo Atheltico Bilbao xiddiggeeda Yuri Berchiche ayaa ah dookhyo kale oo ay kooxda Macallin Ernesto Valverde maanka ku heyso.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan