24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

0
2685

 

Qodobka 1-aad: Macalin Zidane ayaa doonayo marka uu Man United qabto in cayaaryahan Jordi Alba garoonka Old Trafford lagu soo kordhiyo.

Qodobka 2-aad: Bayern Munich ayaa dooneyso bisha Janaayo inay gacanta kusoo dhigto daafaca naadiga Inter Milan Milan Skriniar oo kooxdiisa dul dhigtay 80-milyan oo euro ah.

Qodobka 3-aad: Kooxaha Barcelona iyo Arsenal ayaa ku tartamayaan saxixia Adrien Rabiot oo qandaraaskiisa PSG dhamaadka xili cayaareedkan ku egyahay.

Qodobka 4-aad: Barcelona ayaa diirada saareyso saxiixa Matthijs De Ligt  oo daafaca kaga cayaaro Ajax si uu Gerard Pique badal ugu noqdo xili cayaareedka dambe.

Qodobka 5-aad: Paul Pogba ayaa sheegay inuusan weli kala garin inuu garoonka Old Trafford baaqi kusii ahaanayo ama meel kale ka cayaari doono xagaaga dambe.

Qodobka 6-aad: Aaron Ramsey ayaa kula heshiiyay madaxii fulinta hore Arsenal Ivan Gazidis inuu kula biiro kooxda AC Milan bisha Janaayo ama xagaaga dambe.

Qodobka 7-aad: Sadio Mane ayaa ka madax adeegayo Liverpool inuu heshiis cusub u saxiixo sidaa awgeed Reds waxay la xariirtay 21-jirka PSV ka tirsan Bergwijn sii Mane badal ugu noqdo.

Qodobka 8-aad: Marcos Alonso ayaa xaqiijiyay inuu ku dhow yahay heshiis cusub uu kooxdiisa Chelsea u saxiixo inkastoo qandaraaskiisa labo sano ka harsan yahay hadana sanado dheeraad ah ayaa loogu dari doonaa.

Qodobka 9-aad: Arturo Vidal ayaa shaki galinaayo inuu Barcelona lasii joogi doono asigoo saaxiibadiisa u sheegay inay ahayd talaabo qaldan soo aadistii Camp Nou ee xagaagan!

Qodobka 10-aad: Thierry Henry ayaa ka fikiraayo inuu aqbalo fursada hortaalo oo ah inuu kooxda Monaco macalin u noqdo madaama Monaco iska racadeesay macalin Leonardo Jardim.

Qodobka 11-aad: Real Madrid ayaa bartilmaameed kowaad ka dhigan doonto Christian Eriksen oo Spurs ka tirsan si uu Luka Modric badal ugu noqdo.

Qodobka 12-aad: Cayaaryahan Nacho Fernandez ayaa sheegay in dhamaan cayaartooyda Real Madrid ay garab taagan yihiin macalinkooda Julen Lopetegui.

Qodobka 13-aad: Macalin Jose Mourinho ayaa kulan xasaasi ah la qaadan doono madaxa fulinta ahna gudoomiye ku xigeenka Man United Ed Woodward weliba London ayay ku kulmi doonaan si Jose mustaqbalkiisa loogu cadeeyo ka hor inta aysan Khamiista kulan yeelanin masuuliyiinta sar sare ee Man United taladeeda ka go’do.

Qodobka 14-aad: Man United ayaan wax walaac ah ka qabin qandaraas kordhinta goolhaye David De Gae inkastoo 27-jirkan ku dhawaad mudo sanad ah laga sugaayo inuu heshiis cusub saxiixo.

Qodobka 15-aad: Juventus ayaa gabi ahaanba meesha ka saartay qorshe walbo oo ay ku dooneyso Paul Pogba inay xagaaga dambe dib ula soo saxiixato.

Qodobka 16-aad: Kulan saaxiibtinimo oo caawo la cayaarayo:

Italy Vs Ukraine (9:45 fiidnimo xiliga geeska Afrika)

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan