Xiriirka FA oo baaraya ereyo uu isticmaalay Jose Mourinho ka dib soo laabashadii kullanka Newcastel!

0
1750

Isagoo socda diilinta macallimiinta, ka dib ciyaartii uu 3-2 uu kaga adkaaday Newcastle ayuu Jose Mourinho afka furtay, waxaana xiriirka FA ay billaabayaan inay baaraan hadalladii uu dhahay macallinka Manchester United.

Mourinho ayaa u muuqday mid fardo-baxaya markii uu kusii jeeday Tunnel-ka garoonka loogaga baxo, dhammaadka ciyaartii ay kooxdiisa kasoo laabatay laba gool uguna beddeshay saddex kooxda Macallin Rafa Benitez.

Waxaa baraha bulshada is qabsaday hadallo uu Macallin Mou ku yiri luuqadda Portugues-ka, isla markaasna aad u qallafsanaa.

“Fodas filhos de puta” ayuu ku qeyliyay, waxaana isagoo carrabka ku haya ereryadaas soo qabtay Camerooyinka.

Hooggaamiya kasoo jeeda Portugal ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ciyaarta kubadda cagta ku dhex jira ee aan sida buuxda u dhaqanka wanaagsanayn, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaamaan inuu yahay mid af qaraar.

Lama oga jawaabta kasoo bixi doonta xiriirka kubadda cagta ee Ingiriiska oo arrintan baaraya, waxaase macquul ah Red Devils maamulahooda inuu ciqaab ku muteysto.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan