Wax Ka Ogoow 6-da Kooxood Ee Baasaska Ugu Badan Dhammaystiray Premier League.

0
3377

Horyaalka ugu xiisaha badan dunida ee Premier League ayaa waxaa inta badan ku loolama lix kooxood(Top Six) kuwaas haysta taageerayaasha ugu badan ee horyaalkan.

Haddaba maanta ayaan halkan idinkugu soo gudbin doonnaa lixda kooxood ee dhammaystiray baasaska ugu badan siddeedda kulan ee laga ciyaaray English Premier League.

6. Arsenal- 4,207 baas.

Tababaraha kooxda Arsenal Uani Emery ayaan qiimayn doonin in kooxdiisu ay lixaad ka gasho kooxaha baasaska ugu badan dhammaystiray Premier League, maadaama ay kooxdiisu ay kaliya 2-dhibcood u jirto kooxda horyaalka hogaaminaysa.

5. Man United- 4,329 baas.

Jose Mourinho ayaa waqtigan ku kalsoon in uu sii joogi doono Old Trafford maadaama ay asbuucasn kooxdiisa guul soo laabasho ay 3-2 kaga adkaatay Newcastle.

Tababaraha reer Portugal ayaa waxaa shaqadiisa badabaadiyay xidigaha Juan Mata, Anthony Martial, iyo Alexis Sanchez kuwaas oo United kasaaciday in ay laabato 2-gool oo lagu hogaaminayay qaybtii hore.

4. Tottenham- 4,398 baas.

Kooxda tababare Pochettino ayaa fadhisa kaalinta 5-aad ee horyaalka iyaga oo leh 18-dhibcood taas oo kadhigan in ay kudhibca yihiin kooxda ay London ku xifaaltamaan ee Arsenal.

3. Liverpool- 4,772 baas.

Liverpool ayaa sidoo kale fadhida kaalinta seddexaad ee horyaalka Premier League iyada oo seddexdeeda weeraryahan aysan u firfircooneen sdii xilli ciyaareedki hore.

Kooxda Klopp ayaa dhibca ahaan lasiman kooxaha City Iyo Chelsea kuwaas mim 20-dhibcood leh, taas oo lamicna ah looga sarreeyi farqiga goolasha.

1. Chelsea- 5,728 baas.

Xidiga reer talyaani ee Jorginho ayaa dhammaystiray 853-baas iyada oo xidiga kusoo xigaa uu sameeyay kaliya 742-baas, taa soo kasaacidday in kooxda Sarri ay kaalinta 1-aad kagasho kooxaha baasaska ugu badan dhammaystiray.

 

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan