Majalada Goal oo Shax Ka sameesay Xiddigaha ugu Bandhiga wanaagsan ilaa iyo Haatan Horyaalka English premier league.

0
2083

Majadala goal ayaa shaacisay 11ka Xiddig ee ugu wanaagsan horyaalka English premier league tan iyo bilawgii Fasal Ciyaareedkan.

Xiddigo waaweyn ayaa kasoo muuqday Shaxda kooxda sanadkan ugu saameynta badan horyaalka wadanka England.

Laacibka Kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa hogaaminaya liiskan waxaana ninka reer Belguim uu ku bilaawday Xilli ciyaareedkan si cajiib ah.

Dhanka kale waxaa Shaxdan kasoo wada muuqday Sergio Aguero iyo David Silva kuwaasi oo kamid ah Ciyaartooyda Dooqa koowaad ka ah garoonka Etihad ee kooxda City.

Haddaba waa tan shaxda ay soo saartay majalada goal oo dhameeystiran.

Goolhaye: Rui Patricio

Difaacyada: Trippier, Van Dijk, David luiz iyo Marcos Alonso.

Khadka Dhexe: Jorginho, Pereyra iyo David Silva.

Weerarka: Eden Hazard, Mitrovic iyo Sergio Aguero.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan