Luis Suarez oo shaki laga gelinayo kullanka Inter Milan ee Champions League!

0
1005

Naadiga Barcelona ayaa ay macquul tahay inay weyso weeraryahankeeda Luis Suarez kullanka tartanka Champions League ay la ciyaari doonto Inter Milan.

Barca ayaa Camp Nou kusoo dhoweyn doonta dhiggeeda ka hor kullanka El Classico, ciyaar ka tirsan kullamada saddexaad wareegga Group-yada Champions League-ga.

Suarez ayaa dhaawac laga reebay xulka qaranka Uruguay ee kullamada soo aaddan la ciyaaraya South Korea iyo Japan, si uu uga kabsado dhibaato dhanka jilibka kasoo gaartay.

Blaugrana ayaa soo saartay war ku aaddan in ciyaarayahankeeda uu xaalad soo kabasho kusoo qaadan doono Ciutat Esportiva.

Halkaas ayuu kusoo qaadan doonaa tababar isaga u gaar ah, taasoo go’aamin doonto xilliga la heli karo inuu ciyaaro.

Laacibkii hore ee Liverpool ayaa bilawga xilli ciyaareedkan qaab adag ku billawday, maadaama 11 ciyaarood oo uu saftay dhaliyay keliya 3 gool, waxaana uu u dagaallamayaa inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii wacnaa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan