Karim Benzema Oo Uu Dhaawac Soo Gaaray, Kulamada Uu Seegi Karo Iyo Haddii Uu Ciyaari Karo El Clasico.

0
1100

weeraryahanka heerka caalami ee reer France ayaa waxa lagu soo warramayaa in uu spp gaaray dhaawac uu garoomada kaga maqnaan doono muddo labo asbuuc ah.

Benzema ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaaban qaab ciyaareed wanaagsan isaga oo ku guul darraystay in uu kooxdiisa ku caawiyo goolal, taas oo keentay in ay abaari kasoo wajahdo gool dhalinta.

Sida uu baahiyay wariyaha arrimaha looga danbeeyo suuqa kala iibsiga ee Mootaz Chehade, Karim Benzema ayaa dhaawaca soo gaaray awgiis garoomada kamaqnaan muddo laba asbuuc ah isaga oo seegi doona kulanka Levante oo ay kooxdiisu cayaari doonto marka laga soo laabto nasiinada ciyaaraha caalamiga.

Balse xidigi hore ee Lyon ayaa diyaar u noqon doona kulanka El Clasico oo ay kooxdisu 28-ka bishan October Camp Nou kula ciyaari doonto kooxda ay La Liga ku xifaaltamaan ee Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid iyo tababare Lopetogui ayaa markale wajihi doona walaac ku aaddan in ay kooxdu gaarto guulo wax ku ool ah, maadaama ay waayi doonto mid kamid ah xidigaheeda ugu muhiimsan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan