Dani Carvajal oo ka sheekeeyay xilli ay Neymar isku koox ahaayeen, iyo xasuustii ballan uu ka qaaday!

0
2083

Dani Carvajal ayaa sheegay sidii uu Neymar Jr ugu war geliyay inuu lasoo joogayo Real Madrid da’yarteeda.

Dambeedka midig ee Los Blancos ayaa kusoo biirray da’yarta kooxda caasimadda sanaddii 2002 isagoo aad u da’ yaraa, waxaana xilligaas ay ka wada tirsanaayeen naadiga yaryar ee Madrid.

“Waxaan xasuustaa inuu ku wanaagsanaa kooxda yaryar” ayuu sheekada ku billaabay difaaca Los Blancos.

“Waxa uu inoo sheegay inuu doonayo inuu kooxda sii joogo, kor ayaynu u qaadnay, waana aynu la dabaal degnay” ayuu hadalkiisa ku daray Carvajal.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa lagu xantaa inuu jeclaa ka ciyaarista Bernabue, walow afar sano oo qurux badan uu ku qaatay kooxda Barcelona oo ay Real Madrid aad u xafiiltamaan.

Suuqii xagaaga, waxaa aad isu soo tarayay in kooxda ugu guulaha badan Champions League-ga ay baacsi xoog leh ugu jirtay Neymar, inkastoo ay ku dhammaadeen meel cidlo ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan