Gianluigi Buffon oo sharraxay sababtii uu Juventus kaga tagi waayay markii loo celiyay heerka labaad!

0
1433

Halyeeygii hore ee Juventus, Gianluigi Buffon ayaa tilmaamay in taageerayaasha uu u sheegay in xaalad walba oo adag uusan uga tagi doonin kooxda, taas ayuuna ku asteeyay inay sabab u ahayd inuu fadeexadii Calciopoli uu kaga tagi waayaykooxda ka dhisan Turin.

Goolhayaha Paris Saint-Germain ayaa xilligaas Koobka Adduunka kula guuleystay xulka qaranka Italy iyadoo kooxdiisa loo riday horyaalka heerka labaad, waxaana uu Buffon awooday inuu ku biiro kooxdii uu doono.

Balse taas beddelkeed, Goolhayahii hore ee Parma ayaa ku adkeystay inuu kooxda lasii joogo, waxaana uu lasoo qaaday horyaalka Serie B, sidaas ayayna ugu soo laabteen Serie A.

“Inta aad ku jirto kubadda cagta, farriimo daacad ah ayaad bannaanka usoo diri kartaa” ayuu Buffon u sharraxay L’Équipe’s Sport & Style Magazine.

“Taageerayaasha ayaan ku dhahay: ‘xilliyada adag waan joogi doonaa’. Waxaan u ciyaareynay magac, lacag, koobab iyo waxyaabo kale oo badan, balse waxaan sidoo kalena ku ciyaareynay inaan dareenno inaan kooxda leennahay”.

40-jirkan ayaa ka mid ahaa xiddigo fara ku tiris ahaa, kuwaasoo Juventus inay la laabtaan go’aansaday, walow ugu dambeyn uu Paris Saint-Germain ku biiray xagaagii dhowaa ka dib markii uu dhammaaday qanadaraaskiisa uu ku joogay Bianconeri.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan