Degdeg: Xulka Croatia oo ka reebay liiskooda Qaar kamid ah Xiddigaha Kooxda Inter Milan.

0
1589

Xulka qaranka Croatia ayaa ka saaray liiskooda Ciyaaryahanada kala ah Marcelo Brozovic iyo Sime Vrsaljko.

Labada nin ayaa kamid ah Kooxda Reer Talyaani ee inter Milan inkastoo Xulka Croatia uu labadan xiddig dhaawac kaga reebay kulamada ay ciyaari doonaan Todobaadka soo aadan.

Brozovic iyo Vrsaljko ayaa kamid ahaa safkii gaarsiiyay xulka Croatia Finalka koobka Aduunka dhacdadii lagu soo gabagabeeyay wadanka Russia.

Xilli ciyaareedkan Marcelo Brozovic waxuu kooxdiisa Milan u ciyaaray kulamada Horyaalka 7 kulan halka Vrsaljko uu kaliya kasoo muuqday 3 kulan.

Waaxda Caafimaadka ee wadanka Croatia ayaa shaaciyay in labada nin aysan macquul aheeyn in ay ciyaaraan Tartanka UEFA National League.

Xiddigahan ayaa sikasbata kasoo muuqan doonin Xulka Croatia ciyaarta ay wajahayaan Dhigooda England.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan