Chelsea Iyo Arsenal Oo Ku Dagaallamaya Saxiixa Xidigan Katirsan Real Madrid Ee Doonaya Ka Ciyaarista Premier League.

0
1755

Kooxaha reer London ayaa lagu soo warramayaa in ay xiisa waali ah u qabaan xidiga garabka midig ee daafaca kaga ciyaara Real Madrid ee Dani Carvajal.

Carvajal ayaa kamid ah daafacyada ugu waangsan dunida kaas oo safka koobaad kusoo bilaabananayay tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda caasimadda.

Si kastaba ha ahaatee, wargayska Libero Magazine ayaa baahiyay in kooxaha Arsenal iyo Chelsea ay doonayaan adeegga Dani Carvajal kaas oo naf ahaantiisu doonaya ka ciyaarista Premier League.

Chelsea ayaa waqtigan waxaa garabka midig e daafaca kaga ciyaara xidiga reer Spain ee Cesar Azpilicuetta kaas oo inta badan kusoo bilaawda safka koobaad.

Dhanka kale Gunners ayaa haysata xidig kale oo reer Spain ahbkaaso si wanaagsan uga soo dhalaalay garabka daafaca midig ee kooxda tababare Unai Emery, Hector Bellerin ayaana laga yaaba in uu xagaaga soo aaddan u dhaqaaqo Barcelona.

Labada kooxood ee ku xifaaltama Premier League ayaa doonaya in ay safkooda kusoo kordhiyaan xidigo awood leh kuwaas oo kooxda kasaacidi kara in ay gaarto guulo muhiim ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan