Booliiska Magaalada Las Vegas oo shaaciyay in ay dhawaan su,aalo weeydiin doonaan Cristiano Ronaldo.

0
1248

Booliiska magaalada Las Vegas ayaa wali wada baaritaano ku aadan kiiska kufsiga ah ee lagu heeysto Laacibka kooxda Juventus iyo Xulka Portugal Cristiano Ronaldo.

Gabadha reer mareeykan ee Kathryn Mayorga ayaa horaantiu bishan soo dacweeysay Superstarka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo.

Kathryn Mayorga ayaa ku dooday in Cristiano uu ku kusaday hotelka Palms sanadkii 2009.

Sikastaba Booliska magaalada Las Vegas ayaa sheegay in dhawaan ay su,aalo weeydiin doonaan Cristiano Ronaldo.

Majalada reer Portugal ee daily Correio de Mana ayaa la xiriirtay booliiska magaalada Las Vegas si ay wax ugu ogaadaan waxyaabo ku saabsan kiiskan.

Wargeeyska ayaa loo sheegay in dhawaan su,aalo kiiskan ku saabsan la weeydiin doono kabtankaxulka Portugal.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan