6 ciyaaryahan oo diyaar u ah inay dhabarka tusaan Old Trafford haddii uu Jose Mourinho sii maamulo Jose Mourinho!

0
1830

Naadiga Manchester United ayaa qarka u saaran inay lumiso lix xiddig, haddii uu tababare sii ahaadoo Jose Mourinho kaasoo cadaadis badan dareemaya xittaa haddii uu ka taqallusay Newcastle United ciyaar soo laabasho cajiib ah xambaarsanayd.

Mourinho ayaa ku sigtay in laga raacdeeyo shaqada Red Devils markii qaybtii hore lagu nasiyay 0-2ciyaartii Sabtidii uu ka hor tagay Rafa Benitez kooxdiisa, balse markii la isu soo laabtay ayay United soo laba kacleysay iyadoo ku adkaatay 3-2.

Warsidaha lagu magacaabo The Mail ayaa werrinaya in dhibaatada United ay ugu wacantahay, in Jose Mourinho ay xurguf kala dhexeyso qaar ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa.

Sida iska cad waxaa diiwaankan hooggaaminaya xiddigga khadka dhexe ee Paul Pogba, kaasoo u baxsanaya inuu kooxda isaga tago, waxaana baacsanaya Barcelona iyo Juventus.

Waxaa soo raaca dambeedka bidix ee Luka Shaw kaasoo isna ka caga jiidaya inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo Manchester United.

David De Gea ayaa sidoo kale weli ka labalabeynaya inuu sii joogo Old Trafford, isagooka cabsi qaba in awoodda kooxda ay ku lahayd tartamada waaweyn ay wiiqanto.

Sidoo kale waxaa diiwaankan qayb ka ah weeraryahankii hore ee AS Monaco, Anthony Martial, kaasoo aqbalaya inuu heshiis cusub saxiixo, balse ku fikiraya inuu Jose Mourinho dhaqaajin doono.

Waxaase safkan si lama filaan ah kusoo galay Eric Bailly iyo Captain Antonio Valencia kuwaasoo iyagana aanan ku raaxeysaneyn hab maamulka macallinka reer Portugal.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan