24-kii saac ugu dambeesay iyo qodobbadii ciyaaraha ugu xiisaha badnaa.

0
2503

Qodobka 1-aad: Halyee Andriy Shevchenko ayaa la dhacsan dadaalka ay sameenayaan labada koox ee Milan ka dhisan wuxuuna aaminsan yahay in AC Milan iyo Inter Milan si dhaqsi ah madasha sare kubada cagta ugu soo laaban doonaan.

Qodobka 2-aad: Rea Madrid ayaa bartilmaameed ka dhiganeyso Harry Kane oo ay kooxda Spurs dul dhigtay 200-milyan oo pound sidoo kalena Madrid bisha Janaayo waxay dooneysaa Timo Werner oo RB Leipzig ka tirsan.

Qodobka 3-aad: Karim Benzema ayaa laga cabsi qabaa kulanka El Cassico inuu dabyaaqada bishan seego madaama dhaawac hanka muruqa uu soo gaaray.

Qodobka 4-aad: Simone Zaza ayaa qaranka Talyaaniga isaga baxay dhaawac soo gaaray awgeed waana cayaaryahanka 4-aad ee xulka Talyaaniga dhaawac liiskooda uga baxo ayadoo dhaawac ku baxeen Danilo D’Ambrosio, Alessio Romagnoli iyo Patrick Cutrone sidoo kalena kulamada Ukraine iyo Poland cayaari doonin.

Qodobka 5-aad: Kooxda Man United ayaa dooneyso daafaca naadiga Bournemouth iyo xulka Holland Nathan Ake waana 23-jir sidoo kale Tottenham dabagal ku heyso asigoo rabo bisha Janaayo inuu isbadal naadi sameeyo.

Qodobka 6-aad: Eden Hazard ayaa sheegay inuusan garin karin go’aanka uu qaato dhinac waxaa yaalo qandaraas kordhin Chelsea usoo bandhigtay dhinacna wuxuu ku heestaa fursad uu xagaaga dambe ku aadi karo kooxda uu ku riyoodo ee Real Madrid.

Qodobka 7-aad: Aaron Ramsey ayaa marhore go’aan ku gaaray inuu Arsenal xagaaga dambe isaga tago asigoo sedex jeer oo kala duwan iska diiday qandaraas kordhin kooxdiisa usoo bandhigtay.

Qodobka 8-aad: Macalin Jose Mourinho ayaa isha ku haayo labada daafac ee dhalinta yar sidoo kalena tayada wanaagsan Milan Skriniar (Inter Milan) iyo Alessio Romagnoli (AC Milan).

Qodobka 9-aad: Wayne Rooney ayaa Lionel Messi ku tilmaamay laacibka ugu wanaagsan kubadda cagta, waxaana uu dafiray xiddigga ay Manchester United ka wada tirsanaayeen ee Cristiano Ronaldo.

Qodobka 10-aad: Jose Mourinho ayaa wada hadallo cusub la galaya kooxda Manchester United, xilli la hadal hayo inay macqull tahay inay iska ceyriyaan.

Qodobka 11-aad: Difaaca kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa sheegay inuu xiiseynayo inuu ka ciyaaro horyaalka Premier League inta uu ku jiro xirfaddiisa ciyaarta kubadda cagta.

Qodobka 12-aad: Barcelona oo suuqa ugu jirta dambeed bidix ayaa markan bartilmaameed ka dhiganeysa difaaca kooxda Lyon ee Ferland Meny.

Qodobka 13-aad: Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ee Fabio Paratici  ayaa meesha ka saaray inay lasoo wareegayaan kubbad qaabeeyaha Manchester United ee Paul Pogba.

Qodobka 14-aad: Inter Milan ayaa rajo weyn ka qabta in xagaaga ay lasoo saxiixdaan Captain-ka Manchester City ee Vicente Kompany.

Qodobka 15-aad: Arsenal ayaa ku dhawaaqday inay heshiis shan sano ah isla markaasna ku kacaya £300m la gashay Adidas oo lebiska u sameyn doonto, waxaana qandaraaskaas uu hirgeli doonaa 1-da bisha July ee 2019.

Qodobka 16-aad: Liverpool ayaa dooneyso inay bisha January keensato xiddigaha kala ah Krzysztof Piatek, Jadon Sancho iyo Steven Bergwijn, kuwaasoo dhammaantood qabsaday suuqa kala iibsiga.

Qodobka 17-aad: Manchester United difaaca ee dooneyso ee Andreas Cranqvist ayaa soo dhoweeyay u boqoolidda Old Trafford.

Qodobka 18-aad: Goolhayaha kooxda Napoli amaahda ugu ciyaaro ee David Ospina ayaa Arsenal weydiisanaya inuu si joogto ah ugu biiro kooxda Macallin Carlo Ancelotti.

Qodobka 19-aad: Antoine Griezmann ayaa qaba in kooxda sanadka ugu fiican adduunka ay qasab tahay inuu kasoo laacibka adduunka ugu wanaagsan.

Qodobka 20-aad: Xiddigaha Real Madrid ee kala ah Isco iyo Marcelo ayaa kusoo laabtay tababarka Los Blancos.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan