Zinedine Zidane oo hooggaaminaya liiska tababarayaasha u sharraxan beddelka Nico Kovac! Yaa liiska kula jira?

0
2170

Macallinka kooxda Bayern Munich ee Niko Kovac ayaa shaki weyn la gelinayaa mustaqbalkiisa maamul, maadaama uu u muuqdo mid aan kasoo bixi karin waajibaadkiisa.

Kovac oo horraantii xilli ciyaareedkan majaraha u qabtay kooxda ku ciyaarta Allianz Arnena ayaa ku billawday qaab ciyaareed aad u liita iyadoo ay isku dhaceen qaar ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Durba Bavarians waxa ay qorshaha ku darsadeen in ciyaaryahankii hore ee Croatia isla markaasna kooxdan horay ugu soo ciyaaray ay ka beddelaan shaqada tababarennimo.

Saddex musharrax oo kasoo wada jeeda dalka France ayaa liiska tababarayaasha lagu beddelayo macallinkii hore ee Eintract Frankfurt kasoo muuqday, waxaana ay kala yihiin macallinkii hore ee Arsenal, Arsene Wenger, Zinedine Zidane oo Real Madrid iska casilay dhowr bilood ka hor, iyo maamulihii hore ee PSG, Laurent Blanc.

Saddexda macallin ayaa hadda shaqo la’aan ah, inkastoo Macallin Zidane lala xiriirinayo shaqada kooxda Manchester United, maadaama uu mugdi ku jiro kursiga Jose Mourinho oo Red Devils xaalada cakiran ku qaadanaya.

Wenger iyo Blanc ayaa shaqada Bayern diyaar u noqon karaan maadaama aysan hadda shaqo macallinnimo heynin.

Hooggaamiyihii hore ee Gunners ayaa wuqooyiga London ka dhaqaaqay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore ka dib 22 sano oo Arsenal Macallin u ahaa.

Halka Difaacii  hore ee Manchester United, Laurent Blanc uu iskaga tagay shaqada tababarennimo ee kooxda Paris Saint-Germain sanadkii 2016.

Bayern Munich maamulkeeda ayaa go’aanka kama dambeysta ah iska leh, waxaase hadda Zidane, Wenger iyo Blanc ay yihiin musharraxiinta ay liiska ku darsatay kooxda ka ciyaarta Bundesliga si ay beddel kaga dhigto Niko Kovac.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan