Waa kuwee 5-cayaaryahan ee ugu caawinaada badan (Assist) 5-horyaal Yurub ugu caansan

0
1855

 

Waxaa hakad galeen kulamada laga cayaaro 5-horyaal Yurub ugu caansan (Spain, England, Italy, Germany iyo France) madaama todobaadkan dhamaadkiisa iyo todobaadka dambe xulalka aduunka kulamo kala duwan cayaari doonaan.

Haddaba shabakada WhoScorred waxaan kasoo xiganay 5-cayaaryahan ee ugu caawinaada badan (Assist) 5-horyaal Yurub ugu caansan waxaana liiskan hogaaminaayo wiilka dhalinta yar ee 18-jirka ah Jadon Malik Sancho.

Jadon Sancho oo naadiga Dortmund ka tirsan ayaa xili cayaareedkan caawinaad ka geestay 6-gool oo saaxiibadiisa shabaqa ku hubsadeen wuxuuna Dortmund ka caawiyay inay hogaanka Bundesliga kali ku ahaato sidoo kalena aan weli laga guuleesanin.

Sidoo kale Suso oo AC Milan u cayaaro ayaa sidoo kale caawinaad ka geesta 6-gool oo ay xidigaha kooxdiisa dhaliyeen wuxuuna Spanish-kan ku jiraa waqti qurux badan.

Fadlan hoos kaga bogo 5-cayaaryahan ee ugu caawinaada badan (Assist) 5-horyaal Yurub ugu caansan:

1. Jadon Sancho (Dortmund/Bundesliga) 6-gool ayuu caawiyay

2. Suso (AC Milan/Serie A) 6-gool ayuu caawiyay

3. Dimitri Payet (Marseille/Ligue 1) 5-gool ayuu caawiyay

4. Tanguy NDombele (Lyon/Ligue 1) 4-gool ayuu caawiyay

5. Nicolas Pepe (Lille/Ligue 1) 4-gool ayuu caawiyay

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan