Waa kuwee 10-ka cayaaryahan ee ugu goolasha badan 5-horyaal Yurub ugu caansan

0
2098

 

Waxaa haatan hakad galeen kulamada 5-horyaal Yurub ugu caansan laga cayaaro ayadoo todobaadkan dhamaadkiisa iyo todobaadka dambe lagu mashquuli doono kulamada xulalka aduunka cayaaraan.

Haddaba shabakad WhoScorred waxaan kasoo xiganay 10-ka cayaaryahan ee xili cayaareedkan ugu goolasha badan 5-horyaal Yurub ugu caansan (Spain, England, Italy, Germany iyo France) oo haatan ugu yaraan horyaal walbo marka ugu yar tahay la cayaary 8-kulan ilaa 9-kulan inta u dhaxeyso.

Waxaa la yaab ah in 5-horyaal Yurub ugu caansan haatan ugu goolal badan yahay weeraryahanka reer Poland Krzysztof Piatek kaasi oo naadiga Genoa 9-gool u dhaliyay sidoo kalena shabaqa soo taabanayo 7-kulan ugu horeesay Serie A-da.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka cayaaryahan ee ugu goolasha badan 5-horyaal Yurub ugu caansan xili cayaareedkan:

1. Krzysztof Piatek (Genoa/Serie A) 9-gool

2. Neymar (PSG/Ligue 1) 8-gool

3. Kylian Mbappé (PSG/Ligue 1) 8-gool

4. Cristhian Stuani (Girona/La Liga) 8-gool

5. Eden Hazard (Chelsea/EPL) 8-gool

6. André Silva (Sevilla/La Liga) 7-gool

7. François Kamano (Bordeaux/Ligue 1) 7-gool

8. Florian Thauvin (Marseille/Ligue 1) 7-gool

9. Jonathan Bamba (Lille/Ligue 1) 7-gool

10. Lorenzo Insigne (Napoli/Seria A) 6-gool

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan