Real Madrid oo maanta go’aan ka gaareysa Julen Lopetegui!

0
1327

Ka dib billaabasho liidata oo uu Macallin Julen Lopetegui ku hooggaamiyay Real Madrid, waxa uu wajahayaa xaalad cabsi ah oo ku aaddan kursigiisa shaqo.

Guuldarrooyinkii is xig xigay ee kasoo kala gaaray kooxaha kooxaha CSKA Moscow iyo Deportivo Alaves ee tartamada Champions League iyo La Liga, waxa ay dareen gelisay maamulka kooxda, kuwaasoo maanta go’aan ka gaaraya shaqada uu ahayo macallinka Spanish-ka ah.

Sida laga soo xigtay José Ramon de la Morena oo ka tirsan raadiyaha Onda Cero, waxaa jira kullan maanta u qaas ah mustaqbalka Lopetegui.

Los Blancos ayaa ka fikireysa inay shaqada ka diraan tababarahooda, iyagoo beddelkiisa ka keeni kara gudaha iyo bannaanka kooxda.

Markii uu qabanayay shaqada kooxda caasimadda ka dhisan waxaa la xasuustaa inuu heshiis kula jiray xulka qaranka Spain oo uu maamulayay, waxaana shaqada laga raacdeeyay iyadoo maalmo aad u yar ay ka harsanyihiin billaabasha Koobkii Adduunka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan