Muxuu Krzysztof Piatek ka yiri kooxaha doonaya oo ay Barcelona ugu horreyso.

0
1377

Ka dib markii uu Siddeed gool dhaliyay lixdiisii kullan ee ugu horreysay Serie A, waxaa durba soo if baxay in Krzysztof Piatek lala xiriiriyo kooxaha waaweyn ee qaaradda Europe.

Waxaa laacibkan Polish-ka ah lagu matalaa weeraryahanka ay isku dhalashada yihiin ee Robert Lewandowski, isagoo si dhaqso ah xiiso kaga helay Barcelona.

Juventus, Roma iyo Atletico Madrid ayaa dhammaantood qayb ka ah koox kooxa rucla-orodka ugu jira saxiixiisa.

Isagoo la hadlaya DAZN isla markaasna ka jawaabaya su’aal mustqablkiisa laga weydiiiyay ayuu carrabka ku dhuftay inuu ka war helay inay Barca dooneyso.

“Waan maqlay inay Barcelona i dooneyso, balse anigu ma rumeysni, maxaa yeellay horay ayay Gaangister u heysteen” ayuu yiri Piatek.

23-jirkan ayaa xagaagan kusoo biiray Genoa, waxaana durba si wanaagsan uu ula qabsaday Serie A, isagoo la yimid bandhig cajiib ah oo soo jiitay kooxo waaweyn oo qaaradda Europe ka dhisan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan