Luka Modric Oo Bisha January Isaga Dhaqaaqaya Real Madrid, Ogow Sababta.

0
1302

Xidigan heerka caalami ee reer Croatia ayaa maalmihii uu dabbeeyay shaki lagalinayay mustaqbalkiisa ku aaddan sii joogista kooxda caasimadda.

Real Madrid ayaa afartii kulan ee lasoo dhaafay aan gaarin wax guulo iyaga oo laga adkaaday seddex kamid ah.

Si kastaba ha ahaatee, wargayska reer Spain ee AS ayaa shaaca kaqaaday in xidiga ay Inter Milan doonayso ee Luka Modric uu bisha January waydiisan doono kooxdiisa Madrid in laga diro kooxda kadib markii uu daaha kaqaaday sida uusan uga faraxsaneen taatikada tababare Lopetigue kaas oo xidigan inta badan usoo xusha kaydka.

Tababaraha reer Spain ayaa maalmihii u danbeeyay lala xiriirinayay in laga cayrin doono kooxda Real Madrid kadib markii uu kooxda ku hogaamiyay guul darrooyin xiriir ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan