Liverpool Iyo Man United Oo Horkacaya Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Weeraryhankan Kooxdiisa Ka Dhaqaaqaya Bisha January.

0
1380

Kooxaha reer England ee Liverpool iyo Manchester United ayaa horkacaya safka loogu jiro saxiixa xidiga weerarka kaga ciyaara PSV Eindhoven ee Steven Bergwijn.

Shabakadda Calciomercato ayaa maalinnimadii shalay baahisay in 20-jirkan uu bisha January diiradda u saaranyahay kooxaha Inter Milan, Bayer Leverkusen iyo Sevilla, kuwaas oo dhammaantood doonay adeegga da’yarkan.

Si kastaba ha ahaatee, wargayska reer Spain ee Sport ayaa shaaca kaqaaday in Liverpool iyo United ay labaduba la xariireen kooxda ka ciyaarta Eridivise, iyaga oo diyaar la ah lacagta lagu bur burin karo heshiiska xidigan oo ah adduuna 20-malyan oo Euro una dhiganta 17.5 malya oo gani.

Xidigan katirsan xulka Hollan ee da’doodu ka hoosayso 21-jirka ayaa bandhig wacan samaynaya xilli ciyareedkan isaga oo shabaqa ku hubsaday 5-gool halka uu caawiyay 2-kale.

PSV, taas oo  xidigan kasoo qaatay akadheeymiyada da’yarta Ajax sannaddii 2011, ayaa doonaysa in xidigan kasaxiixdo heshiis uu mudda dheer kusii joogayo kooxda reer Holland.

Balse waxaa la aaminsanyahay in xidigan uu kadhaqaaqi doono Holland marka 85-maalmood kadib dib loo furo daaqadda kala iibsiga kooxah yurub.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan