Labadan Xidig Ee Katirsan AC Milan Oo Dhaawac Kuuseegi Kara Kulamada Xulka Talyaanigu Wajihi Doono Poland Iyo Ukaraine.

0
502

Alessio Romagnoli iyo Patrick Cutrone ayaa labaduba seegi kulamada uu xulka talyaanigu la ciyaari doono wqdamada Poland iyo Ukaraine.

Ciyaartooyda xulka Azzuri ayaa maanta soo xaadiray xarunta Coverciano halkaas oo waaxda caafimaadka xulka Italy ay ku qiimaym doonaan xaaladda caafimaad ee labada xidig ee katirsan Milan.

Ramagnoli ayaan ciyaarin kulankii ay kooxdiisa Milan ay guusha ka gaartay Chiev, isaga oo lamaqnaa dhaawac kasoo gaaray muruqa.

Haddii xidigani uu diyaar u noqon waayo in uu ciyaaro tababare Mancini ayaa kubadali doona daafaca Torino Armando Izzo, iyada oo Caladara iyo Ramagnoli ay dhaawac kuseegi doonaan kulamada uu xulkoodu ciyaari doono.

Cutrone ayaan wali 100% diyaar u ahayn inkasta oo uu tababarka kusoo laabtay kadib dhaawac kasoo gaaray muruqa, halka sida ay shaacisay Gazetta dello Sport Ciro Immobile uu isna Italy u ciyaari doonin 2-kulan ee soo aaddan kadib jabniin kasoo farta.

Italy ayaa habeenka arbacada kulan saaxiibtinimo la ciyaari doonta Ukaraine, halka kulan katirsan Nations League ay wajihi doonto Poland.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan