John Terry Kadib Ka Fariisashadiisa Ciyaaraha Kubadda Cagta Wax Ka Ogoow Tariikh Kooban Oo Quseysa Waayahiisa Ciyaareed.

0
663

 

Waxaa Qoray Wariye Abdikadir Abdullahi Halooyeelo

•Hordhaca Noloshiisa.

Magaciisa Oo Buuxa Waxaa La Yiraahdaa John George Terry, Waxa Uu Dhashay 7-dii December 1980-Kii Xiligaan La Joogana Waa 37-Sano Jir, Waxa Uu Ku Dhashay Barking Xaafad La Yiraah Oo Dhacda Bariga London Ee Wadanka Ingriis-ka, Dhirikiisa Waa
6 ft 2 in (1.87 m).

•Bilowga Waayahiisa Ciyaareed.

Terry Waayahiisa Inta Ugu Badan Waxa Uu Ku Soo Qaatay Kooxda Chelsea Balse Waxaa Jira Kooxo Kale Oo Uu Hore Ugu Soo Ciyaaray,
Ciyaarista Kubadda Cagta Waxa Uu Ka Soo Bilaaway Da’Yarada Kooxda Westham United Waxa Uuna Ka Tirsanaa Intii U Dhaxeesay (1991 Ilaa 1995), Kadib Waxa Uu 1995-tii Ku Biiray Acedemiyada Kooxda Chelsea Oo Uu Waayahiisa Ka Sii Anba Qaaday,
1998-kii Ayaa Loo Dalacsiiye Kooxda Waaweyn Ee Chelsea, Marki Uu Labo Sano Ka Tirsanaa Kooxda Waaweyn Ayaa Waxaa Sanadii 2000 Amaah Loogu Diray Kooxda Nottingham Forest Oo Uu 6-Kulan Oo Qura U Soo Ciyaaray.

•Waayahiisa Kooxda Chelsea.

John Terry Waqtigaasii Quruxda Badnaa Ee Chelsea Waxa Uu Bilaawday Xilli Ciyaareedkii 2000-01, Xilli Ciyaareed-kaas Waxa Uu Ku Soo Bilaawaday 23-kulan Oo Kamid Ah Horyaalka Waxaana Loo Doortay Xidiga Ugu Wanaagaan Kooxda Chelsea Waxayna U Ahyd Markiisa Ugu Horeesay Oo Uu Si Joogta Ah Ugu Ciyaaro Kooxda.
Sanadkii Xigay Waxaa Lagu Aaminay Daafaca Kooxda Isagoo Lagu Lamaaniye Dafacii Mayalka Adkaa Mecel Desailly Oo Xiligaas Ahaa Kabtan-ka Koowaad Ee Kooxda, Wixii Intaasi Ka Dambeeye waxa Uu Noqday Ciyaariyahan Si Qurux Badan U Shaafiyay Jamaahiirta Chelsea Taageerta.
5-tii December 2001-dii Waxa Uu Xertay Marada Kabtanimo Ee Kooxsa Chelsea Markiisa ugu Horeeysay Ciyaar Ay Chelsea La Ciyaartay Kooxda Charlaton Athletic.
Waxaa Kabtanka Koowaad Ee Kooxda Loo Doortay Xilli Ciyaareedkii 2003-04 Markaas uu Chelsea Macalin U ahaa Cludio Ranieri Waxaana Xiligaas Kooxda Ka Tagay Desailly Oo Ahaa Kabtan-ka Chelsea.

John Terry Ayaa Chelsea Ka Tagay 2017, Wuxuuna Soo afjaray 19-Xilli Ciyaareedk Ee Uu Chelsea Ka Tirasanaa Isagoo Ku Biiray Kooxda Aston villa.

Kulamada Uu Saftay Chelsea Iyo Goolasha uu Dhaliyay.

Kulamada Horyaalka Ingriis-ka :- 492-Kulan
Goolasha Horyaalka Ingriis-ka:- 41-Gool
Kulamada Tartanka FA-Cup-ka:- 58-Kulan
Goolasha Tartanka FA-Cup-ka:- 11-Gool
Kulamada Tartanka League Cup-ka:- 37-Kulan
Goolasha Tartanka League Cup-ka:- 2-Gool
Kulamada Horyaalada Yurub:- 124-Kulan
Goolasha Horyaalada Yurub:- 13-Gool
Kulamada Kale Saaxiibtanimo:- 6-Kulan
Guud ahaan Kulamada:- 717-kulan
Guud Ahaan Goolasha:- 67-Gool.

Koobabka Uu Kala Guuleesray Kooxda Chelse.

Horyaalka Ingriis-ka:- 5-Jeer Oo Kala Duwan
Tartanka FA-Cup-ka:- 5-Jeer Oo Kala Duwan
Tartanka League Cup-ka:- 3-Jeer Oo Kala Duwan
Tartanka FA Community Sheild:- 2-Jeer
Uefa Champions League:- 1-Jeer
Uefa Eurape League:- 1-Jeer.

•Abaal Marinada Shaqsiyadeed.

Ciyaariyahanka Sanadka Kooxda Chelsea:- 2-Jeer
Ciyaariyahanka Sanadka Horyaalka Ingriis-ka:-1-jeer
Shaxda Ugu Wanaagsan Horyaalka Ingriis-ka:- 4-Jeer Oo Kala Duwan.
Shaxda Ugu Wanaagsan Qaarada Yurub:- 4-Jeer Oo Kala Duwan
Daafaca Ugu Wanaagsan Qaarada Yurub:- 3-Jeer Oo Kala Duwan
Shaxda Ugu Wanaagsan Aduunka:- 5-Jeer Oo Kala Duwan.
11-ka Xidig Ugu Wanaagsan Koobka Aduunka:- 1- Jeer 2006.

Waayahiisa Xulka Qaranka Ingriiska.

U Ciyaarista Xulka Ingriis-ka Waxa Uu Ka Soo Bilway Ciyaartooyda Ay Da’dooda Ka Yatahay 21-Sano, Kulankiisa Ugu Horeeye Ee England Waxa uu Saftay June 2003-dii Ciyaar ay La Ciyaareen Serbia And Montanegro.

Koobab Badan Ayuu Xulkiisa U Matalay Waxaana Ka mid ah Koobka Qaramada Qaarada Yurub, Koobka Aduunka Iyo Kulamo Saaxiibtinimo

Terry Ayaa Ku Dhawaaqay inuu Xulka Ingiis-ka U Ciyaaristiisa Isaga Fariista 23-kii Saptember 2012.

🔰Kulamada Xulka Qaranka Ingriisa-ka:- 78-Kulan.
🔰Goolasha Xulka Qaranka Ingriisa-ka:- 6-Gool.

7-da October 2018 John Terry Ayaa Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay In Uu Guud Ahaan Ka Fariistay Ciyaarista Kubadda Cagta.

Waxaa Halkaas Iiga Eg Taariikh Kooban Oo Aan Ka Diyaariye Halyeeyga Chelsea John Terry Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ciyaarha Ka Fariistay.

Qoray:- Abdikadir Halooyeelo

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan