Guti oo sheegay Sababtii uu ugu Dhaqaaqay kooxda Real Madrid B.

0
1028

Laacibkii hore ee kooxda Real Madrid Guti ayaa shaaciyay Sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa inuu ka dhaqaaqo maamulida kooxda Real Madrid B.

Halyeeygan ayaa haatan macalin ku xigeen ka ah Kooxda Reer Turkey ee Besiktas waxaana uu sheegay inuu doonayo inuu maamulo koox weyn.

Sida ay daabacday Majalada Marca Guti ayaa yiri,” Waxaan go,aansaday inaan ka dhaqaaqo Kooxda Real madrid ciyaartooyda Da,da yar si aan u aado wadanka Turkeyga.

” Si aan u homariyo xirfadeyda macalinimo, dhawaan macalin ayaan rajeenayaa inaan u noqdo koox sida ugu macquulsan.

41 sano jirkan ayaa kamid ah halyeeyada nool ee kooxda Real Madrid soo maray waxaana uu haatan diirada saarayaa sidii uu u noqon lahaa macalin guuleeysta.

Xiddigii ugu dambeeyay ee Real Madrid u ciyaara haddana macalin noqda waa Zinadine Zidane kaasi oo maqaam sare ka gaaray ciyaarta kubadda cagta iyo mida macalinimo intaba.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan