Eden Hazard oo Ka Hadlay Xiisaha Ka imaanaya Kooxda Real Madrid.

0
1133

 

 

Laacibka garbaha ugu ciyaara kooxda Chelsea iyo Xulka Belguim eden Hazard ayaa ka hadlay xiisaha ka imaanaya kooxda kubadda cagta Real Madrid.

Eden Hazard ayaa kamid ah Xiddigaha ugu wanaagsan ee ka ciyaarta Horyaalka Xiisaha badan ee English Priemer league.

Real Madrid ayaa dooneeysa in laacibka reer Belguim uu u buuxiyo booskii uu ka dhaqaaqay kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa suuqii xagaaga ka dhaqaaqay kooxda caasimada Spanishka ka dhisan ee Real Madrid isagoo ku biiray naadiga Juventus.

Laacibka Chelsea Eden hazard ayaa sheegay in qandaraas cusub uu u saxiixo doono kooxda ka dhisan galbeedka London.

Eden ayaa yiri, ” Chelsea waxeey isiisay waxkasta, waxaan Saxiixi doonaa qandaraas cusub dhawaan.

” Mararka qaar Waxaan soo kacaa waqti hore aroortii waxaan ka fikiraa inaan kooxda la dhaqaaqo Marmarna waxaan go,aansadaa inaan sii joogo.”
” Xaqiiqatan waa riyo inaan ku biiro Real Madrid waa go,aan adag haatan waxaan ahay 27 sano jir waxaan 28 sano jir noqon doonaa bisha january.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Eden.
SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan