FT: Barcelona oo markale kuftay iyo Inter oo ka fakatay SPAL.

0
1023

Naadiga Barcelona ayaa weli guul la’aan ah kullamada La Liga, iyagoo caawan natiijo xumo kale kasoo dhaxashay garoonka Mastella.

Naatijadii 1-1 ka ahayd ee qaybtii hore ciyaarta lagu kala nastay ayaa guud ahaan natiijada caawa soo af jartay.

Gool uu dhaliyay Ezequiel Garay ayaa gool ku billaabay Barcelona, waxaase bareejo kusoo celiyay kullanka Lionel Messi.

Dhanka kale Inter Milan ayaa guul ay ku rafaadday ka qaadatay kooxda SPAL.

Captain Mauro Icardi ayaa qaybtii hore ciyaarta gool hooggaanka ay ku nastaan siiyay Inter ka dib kubad uu ka helay Sime Vrsaljko.

Waxaa SPAL bareejo usoo celiyay Palasochi, inkastoo xilli dambe markale Icardi waran ku suray kooxda ay martida u ahaayeen.

Guud ahaan natiijo 1-2 ayay Nerazuri guul kusoo qaadatay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan