Germany 2-1 Peru: Nico Schulz oo kulankiisa kowaad Jarmalka guul u horseeday

0
868

 

Cayaaryahanka garabka bidix kaga cayaaro naadiga TSG Hoffeinham Nico Schulz ayaa kulankiisa kowaad xulka Jarmalka guul ka siiyay dhigooda Peru cayaar 2-1 kusoo idlaatay oo ahayd kulan saaxiibtinimo.

Tababare Joachim Low waji cusub ayuu galay oo ah inuu dhalinyarada fursad siiyo madaama cayaartooy badan oo waaya arag ah kulankan ka qayb qaadanin.

Luis Advincula ayaa si la yaab leh hogaanka ugu dhiibay xulka Peru daqiiqadii 22-aad asigoo darbad xoogan dhaafsiiyay goolhaye Ter Stegen dhinaca uu goosha ka xirtay.

Balse sedex daqiiqo kadib Julian Brandt oo lambarka 10-aad Jarmalka u qaatay booska Ozil-na galay ayaa cayaarta 1-1 ka dhigay asigoo kubada ka dul qaaday goolhayaha xulka Peru shabaqana dhex dhigay goolka.

Xulka Jarmalka duulaan badan ayay qaadeen balse ugu dambeyntii daqiiqadii 85-aad waxaa guusha Jarmalka siiyay Nico Schulz wuxuuna ku ciqaabay xulka Peru qaladkii ay galeen dhamaadkii kulankan oo uu ku jiray qaladkan sameyntiisa goolhaye Pedro Gallese.

Cayaartooyda labada xul kulankan u ssafteen:

Germany: ter Stegen, Ginter (Kehrer 72), Boateng (Rudiger 45), Sule, Schulz, Gundogan (Muller 84), Kimmich, Kroos, Brandt (Petersen 70), Werner (Havertz 88), Reus (Draxler 45).

Badal aan la adeegsanin: Neuer, Tah, Hummels, Goretzka.

Peru: Gallese, Advincula, Santamaria, Araujo, Trauco, Aquino, Yotun (Calcaterra 76), Ruidiaz (Pena 85), Cueva, Flores (Lopez 67), Farfan.

Badal aan la adeegsanin: Alvarez, Madrid, Sandoval, Ramos, Carrillo, Loyola, Cartagena, Abram, Carvallo.

Goos Gooska Kulankan Fadlan Hoos Ka Daawo Asigoo Dhameestiran:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan