Daawo goos gooska qaladkii uu Bakayoko galay ee Gagliardini ku ciqaabay iyo Chelsea oo guusheeda sii wadato

0
2731

 

Kooxda Chelsea ayaa guulaheeda wadatao kulamada ay xili cayaareedka cusub isugu diyaarineyso waxayna rigoorayaal 5-4 kaga badiyeen Inter Milan kulan 1-1 kusoo idlaaday.

Kulan ka tirsan tartanka ICC Cup Chelsea waxaa hogaanka xili hore u dhiibay Pedro Rodriguez daqiiqadii 8-aad.

Blues oo kalsooni ku qabtay inay si sahlan guusha ku qaadan karto waxaa xaalka ku adkeeyay Tiemoue Bakayoko oo qalad galay waxaana qaladkiisa ku ciqaabay Roberto Gagliardini oo cayaarta 1-1 ka dhigay daqiiqadii 49-aad.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kulankan Chelsea rigoorayaal guusha ku qaadatay ayadoo rigooradii ugu dambeesay ay ku badiyeen u dhaliyay Cesar Azpilicueta:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan