Rasmi: Barcelona oo lasoo saxiixatay Clement Lenglet!

0
671

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay inay dhameystirto saxiixa Clement Lenglet.

Barca ayaa bixisay lacagaha lagu burburin karo qandaraaska uu laacibkan kula joogay kooxda Sevilla oo ah £35m.

Lenglet ayaa bishii January ee 2017 Sevilla kaga soo qaadatay kooxda Nancy qiimo dhan €5m.

Difaaca reer France ayaa xubin muhiim ah ka noqday garoonka Ramon Sanchez Pizjuan isagoona soo jiitay indhaha kooxda reer Spain.

Waxaa uu safka difaaca ee Ernesto Valverde kula biirayaa Pique, Umtiti, Vermaelen iyo Yerry Mina, inkastoo Mina laga yaabo inuu xagaagan ka tago Camp Nou.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan