Nabil Fekir oo rajo soo geliyay Liverpool ka dib Koobka Adduunka!

0
854

Arrinta Liverpool iyo Nabil Fekir ayaa marba dhan u rogmeysa, waxaana kooxda reer England ay noqotay mid marna quus ku dhowaata marna nalka cagaaran u shidma.

Reds ayaa horraan isku daygeedii koowaad ku guuldarreysatay inay gacanta kula soo dhigto xiddigga reer France, balse weli waxa ay isku dayaysaa inay ugu dambeyn xagaagan soo xero geliso.

Fekir ayaa kala heshiiyay kooxda Lyon inuu dib wada hadallo ula bilawdo kooxda Liverpool marka uu soo dhammaado Koobka Adduunka, oo hadda xulkiisa Final-ka la ciyaari doono Croatia, sida ay markaasi qoreyso The Mirror.

24-jirkan ayaa jaceyl u qaba qudhiisa kusoo biiritaanka garoonka Anfield, balse waxa ay wararka sheegayaan inĀ  Liverpool aysan kusoo laaban doonin wada hadallada ciyaaryahankan illaa ay sidii hore wax iska bedelayaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan