Manchester United oo si xoog leh loola xiriirinayo laacib laf dhabar u ah Croatia iyo qiimihiisa oo loo sheegay!

0
1994

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa suuqa uga jirta sidii ay ula soo saxiixan lahayd laacib ka ciyaara weerarka ama garbaha.

Horraan waxaa loola xiriiriyay ciyaartoy badan balse hadda waxa ay diiradda saareysaa laacibka reer Croatia ee Ante Rebic.

Red Devils ayaa loo sheegay inay heli karaan laacibkan haddii ay aqbalaan qiimaha ay Entraict Frankfurt dul saartay madaxiisa.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay wakiillo ka socda United ayaa ku sugnaa dalka Russia si ay u daawadaan bandhigga uu sameynayo 24-jirkan.

Agaasimaha ciyaaraha ee Frnakfurt, Fredi Bobic ayaa caddeeyay in ay aqbali doonaan iibka ciyaaryahanka xagaagan haddii ay ku helaan qiimo macquul ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan