Maaliyadda Ronaldo oo si xoog leh ku qabsatay dalka Talyaaniga iyo rikoor fiican oo ay sameyneyso!

0
1162

Juventus ayaa iibineysa celcelis ahaan hal funaanad uu ko qoranyahay magaca Ronaldo daqiiqad walba iyadoo bakhaarkeeda Milan uu yahay mid mashquul badan.

Juventus ayaa ciyaaryahankan kula soo wareegtay €100m iyadoo sanadkii siin doonto €30m, balse waxa uu soo gelinayaa laacibkan Juventus dakhli aad u fara badan.

Sida ay qoreyso Tuttojev, waxaa si aad ah u camiran bakhaarka Juventus ay ku iibiso maaliyadaha ee ku yaalla magaalada Milan, kaasoo si aad ah usoo kacay ka dib muddo uu dansanaa.

Waxaana lagu soo warramayaa in Bianconeri ay daqiiqaddii iibineyso hal maaliyad oo magaca Ronaldo ku daabacan yahay tan iyo markii dib loo furay bakhaarka kooxda Old Lady ay ku iibiso qalabka Sports-ka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan