Liverpool oo tallaabadii ugu dambeesay u qaadeysa Alisson Becker!

0
865

Wararka ka imaanaya gudaha Italy ayaa kusoo warramaya in Liverpool ay dalab rasmi ah u gudbineyso kooxda Roma kaasoo ku aaddan Alisson Becker.

Xiddigga reer Brazil ayaa si xoog leh loola xiriiriyay u dhaqaaqidda kooxda Liverpool, waxaana hadda Reds ay kala hadleysaa AS Roma saxiixa goolhayahan.

Naadiga macallin Jurgen Klopp ayaa la diyaar ah inay bixiso €65m si usoo qaataan 25-jirkan, waana qiimo ay aqbali doonto kooxa reer Taliyaani.

Waxa ay sidoo kale Alisson u diyaariyeen qandaraas shan sano ah oo uu ku joogi doono Anfield isagoo heli doonk xilli ciyaareedkii €6m.

Roma ayaanan weli heli dalab la eg midka ay dul saartay goolhayahan oo ah €70, balse waxaa la fahansanyahay inay aqbali doonto qiimo ka ag dhow haddii ay helaan si ay bedelka 25-jirkan u helaan.

Alphonse Areola iyo Salvatore Sirigu ayaa ah xiddigaha shabaqa ilaaliya ee ay Giallorossi dooneyso inay bedel kaga dhigto Alisson.

Liverpool ayaa wajahi doonto caqabada ugu adag maadaama Alisson ay qalbigiisa ku jirto kooxda Real Madrid oo aan isaga xiiso weyn u hayn.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan