England Oo Wayn Doonta Seddex Xidig Oo Laf Dhabar U Ah Safkooda Kahor Kulanka Ay Sabtida Laciyaari Doonaan Belgium .

0
1351

Seddex libaax ayaa wayn doonta seddex xidig oo laf dhabar u ahaa ciyaaryahandii ku matalaya dhacadada koobka adduunka ee sanaddan lagu qabanayo Russia.

 

Kieran Trippier, Kyle Walker, iyo Jordan Henderson ayaa kusoo bilaawday kulanki afar dhammaadka ay England kuwajahday Croatia markaas oo lagu garaacay 2-1, ciyaartii kadhcday Luzhniki Stadium.

 

Trippier ayaa isaga baxay garoonka qaybtii danbe ee waqtigii dheeriga ee ciyaarta kadib xanuun dhanka gumaarka ah uu soo wajahay, halka Walker iyo Henderson labadaba labaddalay waqtigii lagu daray ciyaarta kadib xanuunno ay sheegteen.

 

Sida ay warinayso Sky Sports News seddexdan xidig ayaa lagalinayaa shaki in ay u ciyaari karaan seddexda libaax ciyaarta ay  galabta sabtida laciyaari doonaan Belgium ee loogu dagaalamayo kaalinta seddexaad taas oo kadhici doonta Saint Petersburg.

 

Inkastoo ay jiraan walaacyada la xiriira dhaawacyo ay qabaan xidigaha qaar, haddana dhammaan xidigaha Greth Southgate uu hoggaamiyo ayaa kusii sugnaan doona Russia tan iyo inta laga ciyaarayo kulanka ay wajahayaan Red Devils.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan