Cuadrado oo guddoonsiiyay Ronaldo maaliyadda Number 7 ee kooxda Juventus!

0
1562

Laacibka reer Colombia iyo kooxda Juventus ee Juan Cuadrado ayaa siiyay maaliyaddiisa number-ka toddobaad saxiixa cusub ee Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka sare ee Portugal ayaa ah xiddig ku caan baxay number-ka toddobaad isagoo heysta naaneysta CR7.

Cuadrado ayaa bartiisa twitterka soo dhigay isagoo kor u haya maaliyadda Ronaldo ee Juventus oo ku xardhanyahay number-ka toddobaad, waxaana uu soo raaciyay qoraalkan: “Inaad siiso ayaa ka wanaagsan inaad ka hesho, funaanaddan duceysan ayaan ugu talo galay xilliga cusub ee Ronaldo”.

Laacibkii hore ee Fiorentina iyo Chelsea ayaa xirnaa xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay numberka toddobaad ee maaliyadda kooxda Juventus.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan