Chelsea oo shaqada ka ceyrisay Antonio Conte!

0
1320

Ka dib laba xilli ciyaareed oo uu ka arriminayay Stamfor Bridge, Chelsea ayaa shaqada ka ceyrisay macallinka reer Italy ee Antonio Conte.

Waxa uu ku bilawday xilli ciyaareed cajiib ah iyadoo sanadkiisii koowaad ee xukunka Blues gacanta usoo geliyay Premier League-ga.

48-sano jirkan ayaa ku fashilmay xilli ciyaareedkiisii labaad inuu difaacdo ama ugu yaraan meel fiican ka galo horyaalka Ingiriiska.

Taas ayaa sabab u noqotay inay isku dhacaan isaga iyo maamulka Chelsea, waxaana booskiisa lagu wareejin doonaa macallinka ay dhalasho wadaagga yihiin ee Maurizio Sarri.

Conte ayaa xagaagii 2016 qabtay shaqada kooxda Chelsea balse waxaa maanta oo khamiis ah soo idlaaday waayihiisii Galbeedka London.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan